Xildhibaanada Koonfur Galbeed oo hal arin darteed uga xun in doorashada laga reebo Abuu Mansuur !!

Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu wadaa in 19-ka bishan oo ku beegan maalinta arbacada magaalada Baydhabo ku doortaan Madaweynaha uu yeelanayo maamulkaasi.

Doorashada waxaa u taagan dhowr Musharax oo isugu jira kuwa malxiis ah iyo kuwa hami uga jiro in la doorto, waxaana shaqsiga ugu cad cad doorashadan uu yahay Musharaxa ee wadato dowlada federaalka ee Cabdicasiis Laftagareen.

Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa u jeclaa in doorashada Madaxweynaha ay noqoto mid adag oo si weyn loogu loo lamo si ay uga helaan dhinacyada tartamaya dhaqaalo badan.

Waxa ay horey Xildhibaanada uga niyad jabeen in doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu ka tanaasulay Madaxweynihii maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan oo kamid ahaa xubnaha la saadaalinayay in doorashada uu qeyb galo.

Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa mar kale aad uga naxay kana walaacsan in doorashada xoog looga reebo Musharax Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo kamid ahaa musharaxiinta ugu cad cad ee doorashada ka qeyb galaya.

Abuu Mansuur hadii uu sidan uga haro doorashada ayaa waxaa iska muuqata in doorashada uu ku guuleesanayo Musharaxa ay wadayto Madaxtooyada Somalia hadii aysan dhicin mucjiso kale oo Xildhibaanada balanta ka bixin dhinac kalana u weecin codkooda.

Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa hada ka niyad jabsan in aysan heli doonin dhaqaalo ay markii hore niyeesteen in ay heli doonaan hadii tartanka doorashada ay noqoto mid furan oo si weyn loogu loolamo.

Mid kamid ah Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa noo sheegay in ay filayeen hadii uu Abuu Mansuur doorashada ka qeyb galo in doorashada noqon doonto mid adag ay ugu yaraan ku heli lahaayeen Xildhibaankiiba lacag u dhaxeysa 10-kun ilaa 20-kun Dollar.

Waxa uu sheegay Xildhibaankan in hada xaalka uu ka duwan yahay sidii hore ayna isbadashay lacagihii ay isku dhufsadeen in ay heli doonaan, waxa uuna xusay in hada xaalka marayo in ay ku qancaan waxii yar ay ka helaan musharaxa dowlada.

Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa hada filan kara in ay helayaan midkiiba lacag aan ka badneyn 5-kun Dollar maadaama doorashada aysan aheyn mid furan oo dhinacyo adag oo iska soo horjeeda ku loomayaan.

Waxa kaliya ay filayaan Xildhibaanada ayaa ah waxii lacag ah ay ka helaan Musharaxa taageerada dowlada heesta ee Lafta gareen oo naftiisa wax ka bedelaya lacagihii horey loo qorsheeyay in la siiyo Xildhibaanada maadaama doorashada laga reebay Abuu Mansuur.

Si kastaba doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa hada ah mid aan adkeyn xiiso badana aan laheyn, waxaana la saadaalinayaa in uu soo bixi doono musharaxa dowlada taageereyso hadii aysan lama filaan kale dhicin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -